Allbanaadir.com
NEWS

Xogta Kulan dhexmaray Laftagareen & Ergeyga arrimaha Somaliland (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada uqaabbilsan Wada-hadallada Soomaaliland Mudane, Cabdikariin Xuseen Guuled oo maanta Baydhabo gaaray.

Ergayga Gaarka ah  iyo Madaxweyne Laftagareen ayaa ka wada hadlay hannaanka loo wajahayo wada hadallada DFS iyo Somaliland.

“Waxaan maanta Safar Shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo ee Xurunta KMG Dowladd Goboleedka KOONFUR GALBEED, halkaas oo ay nooga bilaaban doonaan kullamo wadatashi ah oo aan la yeelaneyno Madaxda SWS iyo Bulshada deegaanka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo dhaweeyay dedaallada Xafiiska Ergayga, isagoo u muujiyay garab istaag buuxa,wuxuuna Ergayga dhankiisa Madaxweynaha uga mahadceliyay talooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaadda qorshahiisa.

Kulamadan Wadatashiga ah ayaa ku qotoma sidii ay Madaxda iyo Bulshada KOONFUR GALBEED kaga tala dhiiban lahaayeen qorshaha dib u billaabidda hanaanka Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mataanaha ku midoobay Dib u dhaca Muqdisho oo ka mideysan 9-qodob !! (Halkan ka Ogow).

Cabdi Cade

Xamse oo daah-furay shirweynaha Maalgashiga cuntada iyo Beeraha (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---