Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu RW Xamse ku soo arkay xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeeray Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, halkaasoo uu kulammo kula qaatay maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda Hay’adda, isagoo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee lagu dardar gelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey qorshaha horumarineed ee hay’adda u hirgalay mudadi koobnayd ee uu xilka hayey, isagoo sheegay in ay asteeyeen maamul ka caaggan musuq-maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Agaasimaha cusub looga fadhiyo inuu sii horumariyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaranka u ah waji, sumcad iyo karaamo, isla markaana ah halka isku xirta Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, taasoo lagama maarmaan ka dhigaysa in ay ilaashato sumcadda ay ku matalayso Soomaaliya iyo tartanka ay adduunka kula jirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaki laga muujiyay weerarkii lagu qaaday Xalane & Jabuuti oo war kasoo saartay Qilaafka Farmaajo ..…!!

admin

Golaha Wasiiradda oo meel mariyay Xeer muhiim ah iyo heshiis ay galeen Soomaaliya iyo Dalka…

Cabdi Cade

Odayaasha Koonfur Galbeed oo Shuruudo ku xiray in Doorasho ka dhacdo Deegaanadooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---