Allbanaadir.com
NEWS

Xilliga ay dhacayaan Doorashooyinka Xisbiyada iyo tan Madaxweynaha Somaliland oo la shaaciyay

Guddiga komishinka doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashooyinka xisbiyada qaran ee Somaliland iyo sidoo kale doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Qoraal ay soo saareen guddiga komishinka doorashooyinka Somaliland ayaa lagu shaaciyay in doorashada xisbiyada la qabanayo 28-ka December ee sanadkaan 2023-ka, halka doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa la qabanayo 13-ka November 2024-ka.

Jadwalkan doorashada ay soo saareen komishinka doorashada Somaliland ayaan la ogeyn sida ay u aqbali doonaan xisbiyada mucaaradka, kuwaa oo horey u doonayay in doorashada madaxweynaha iyo kuxigenkiisa lasoo hormariyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta oo laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Nin Gabar uu Jeclaa Fariin Xasaasi ah ugu dul qoray Sac Irmaan ah !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada Qatar oo albaabada ka xiratay Farmaajo iyo Rooble oo ka Faa’iideesanaya !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---