Allbanaadir.com
NEWS

Xilliga ay dhacayaan Doorashooyinka Xisbiyada iyo tan Madaxweynaha Somaliland oo la shaaciyay

Guddiga komishinka doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashooyinka xisbiyada qaran ee Somaliland iyo sidoo kale doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Qoraal ay soo saareen guddiga komishinka doorashooyinka Somaliland ayaa lagu shaaciyay in doorashada xisbiyada la qabanayo 28-ka December ee sanadkaan 2023-ka, halka doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa la qabanayo 13-ka November 2024-ka.

Jadwalkan doorashada ay soo saareen komishinka doorashada Somaliland ayaan la ogeyn sida ay u aqbali doonaan xisbiyada mucaaradka, kuwaa oo horey u doonayay in doorashada madaxweynaha iyo kuxigenkiisa lasoo hormariyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sudan oo qaaday talaabo ay kaga aargudaneyso Kenya

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Somalia waxay ka adkaaneysaa Itoobiya iyadoon dagaal la gelin”

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Rai’sul Wasaare Khayre oo Shirweyne Muhiim ah ka furay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---