Nin Gabar uu Jeclaa Fariin Xasaasi ah ugu dul qoray Sac Irmaan ah !! (Daawo Sawirada)

Nin beeraleey ah oo u dhashay Scotland ayaa si layaab leh jaceylkiisa ugu soo bandhigay gabar uu donayo Guurleeda Ereyo lagu qoray sac uu lahaa oo ay aad u jeceshahay gabadha uu guurka ka dalbaday.

Chris Gospel oo ah xoolo dhaqato iyo Beeraley ayaa sac irmaan ah uu leeyahay waxa uu ku dul qoray ‘Gormaa ayaan isguursanaynaa’ waxa uuna fariintan uga gon lahaa in ay aragto gacalisadiisa .

Gabadha uu ninkan jecel yahay oo lagu magacaabo Eilidh Fraser ayaa aad u jecel neefkan saca ah, waxa uuna ninkan ereyada uu guurka uga dalbanayo ku damacsanaa in uu kusoo jiito gacalisadiisa.

“Saca waxaa si wayn u jeclayd Eilidh, markaasi habeen kasta lagama wayn jirin hareeraha goobta uu Saca joogo, waxaana ii suurogashay inaan jecelkayga dhabta halkan ugu gudbiyo” Ayuu yiri Chris Gospel .

Gabadha ayaa iyada oo faraxsan gacaliyaheeda ka aqbashay guurka, waxa ayna Lamaanahan sheegeen in marka uu guurkooda dhacayo goobta xaflada ka fekerayaan in ay keenaan  sacan ay aadka u jecelyihiin.

Sheekada lamaanahan ayaa noqotya mid si weyn loogu hadal hayo baraha bulshada iyo Warbaahinta Britain, waxaana ninka sheekadan ka dambeeyay lagu tilmaamay nin xarfaan ah oo yaqaan sida dumarka guur loogu qal qaaliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -