Allbanaadir.com
NEWS

Barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta oo maanta lagu Daah-furay Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daah-furay barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta, si loo horumariyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad iyo Garsoor Madax-bannaan oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda #DanQaran

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo tilmaamay muhiimadda ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay inay helaan Caddaalad hufan oo la isku halayn karo iyo garsoor madax bannaan ayaa sheegay in barnaamijkani wax wayn ka tari doono ballaadhinta adeegga caddaalada ee dalka oo dhan.

Mudane Saalax ayaa uga mahad celiyay saaxiibbada caalamiga ah garab-istaaggooda ku aaddan in ay ka caawiyaan Hay’adaha Dawladda ka midha-dhalinta qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee helitaanka caddaalad la isku hallayn karo iyo garsoor madax bannaan oo dalka oo dhan la gaarsiiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Caafimaadka DF oo shaacisay tirada dad cusub oo laga helay Coronavirus

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dayuurad rakaab ah oo lagu la’ yahay dalka Indonesia (Sawirro)

Caydiid Ali

Bangiga Ganacsiga Itoobiya oo xarun ka furanaya magaalo kutaala Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---