Wararkii ugu dambeeyey dayuurad rakaab ah oo lagu la’ yahay dalka Indonesia (Sawirro)

Dayuurad rakaab oo ay saarnaayeen in ka badan 50 qof ayaa la waayay waxyar ka dib markii ay ka duushay garoonka dayuuradaha ee caasimadda Indonesia ee Jakarta.

Saraakiil dowladda ka tirsan waxay sheegeen in diyaaradda Sriwijaya oo nooceedu yahay Boeng 737 ay lumisay xiriirka xilli ay ku sii jeeday galbeedka gobolka Kalimantan.

Waxaa la soo wariyay in diyaaradda ay xiriirka lumisay 10 kun oo fiit markii ay hawada joog sare sare u gashay.

Waxaa isa soo taraya ayaa sheegaya in dayuuradaas ay burburtay, iyadoo Sawirada wax u muuqday burbur diyaaradeed ay ka soo muuqdeen qaar ka mid ah telefishinka iyo baraha bulshada.

Qaar kamid ah dadka deegaanka e jasiiradda Lancang island oo u dhaw halka ay diyaaradda ku luntay ayaa sheegay inay heleen walxa loo maleeyay inay yihiin baalasha diyaaradda.

Wasaaradda gaadiidka ee dalka Indoneis na waxay sheegtay in uu socdo gurmad iyo dedaalo lagu baadi goobayo dayuurada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -