Bangiga Ganacsiga Itoobiya oo xarun ka furanaya magaalo kutaala Soomaaliya

Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya oo magaciisa loo soo gaabiyo Ganacsiga CBE ayaa wada qorshe uu xarun ama laan uga furanayo magaalada Somaliland ee caasimada maamulka Somaliland.

Guddoomiyaha Bangiga Ganacsiga CBE ee Itoobiya Mr.Bacha Gina, ayaa shaaca ka qaaday in meel fiican uu marayo qorshe ay ku doonayaan in sanadkan dhamaadka ah laan uga furtaan magaalada Hargeysa .

Mr.Bacha Gina, ayaa magaalada Adis Ababa ka sheegay in Bangigooda ka dhigaan mid caalami ah oo laamo badan ku leh wadamada caalamka, waxa uuna xusay in qorshaha ugu jiraan in magaalooyin badan laamo ku yeeshaan.

Bangiga CBE ayaa hada laaman ku leh wadamada Jabuuti iyo Koonfurta Sudan, waxaana bangigan uu leeyahay in ka badan kun iyo shan boqol oo laan, waxaana ku xiran macaaliim aad u badan.

Itoobiya ayaa qunsuliyad ku leh magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland, waxaana xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeya maamulka madax banaanida doonaya ee Somaliand iyo dowlada Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -