Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheesan ka fuliyay Budbud kuna bur buriyay keyd…

Ciidanka milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisimo ku lahaayeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ka fuliyeen deegaanka Budbud , ayna halkaasi ku bur buriyeen fariisimihii Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha intii ay hawlgalka wadeen ciidamada Danab in ay ku bur buriyeen goobo ay ku kaydsanaan sunta iyo alaadaha kale ee ay Al Shabaab ka sameeyan walxaha qarxa iyo goobo kale oo keyd hub u ahaa.

Deegaanka Budbud oo bilooyin kahor ciidanka dowladda qabsadeen ayaa dib ugu laabtay gacanta Al Shabaab , kaddib weerar xooggan oo Al Shabaab ku qaadeen xeryo deegaankaasi ku lahaayeen ciidanka dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Sare oo guda galaya doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah

Cabdi Cade

Erdogan oo si adag uga hadlay Qoraal uu baahiyay Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand

Cabdi Cade

Maraykanka oo Fiisaha kala laabtay in ka badan 300 oo arday ajnabi ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---