Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madasha Xisbiyada Qaran oo War ka soo saartay doorashadii Madaxweyne Qoorqoor (Akhriso)

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed war kasoo saartay Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Madaxweynaha Cusub ee Galmudug loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Qoraal ka ay soo saareen Madasha Xisbiyada ayaa looga soo horjeestay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb oo madashu ku tilmaantay inay aheyd mid aan xor iyo xalaal toona aheyn, ayna ka maqnaayeen dhinacyado badan oo muhiim ah.

Madasha ayaa sidoo kale dhaliil xoog leh u jeedisay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya taageero u muujiyay Doorashadii uu soo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran oo ku qornaa luuqada Englishka ayaa dhinacyada Siyaasadda ee Galmudug ugu baaqday inay Khilaafkooda ku dhameeyan wada-hadal kana fogaadaan wax kasta oo abuuri kara qalalaase iyo gacan ka hadal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdirashiid Janan oo ku farxay Go’aankii Doorashada 16-ka kursi looga wareejiyay Garbahaarey

Cabdi Cade

Farmaajo oo qaabilay Jen. Thomas D. Waldhauser & Saraakiil la socotay (Sawirro)

Caydiid Ali

Spain oo ku baaqday in RW Israel la soo taago Maxkamada dembiyada dagaalka ee ICC

Caydiid Ali
Taboola Ads ---