Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Wasiirka difaaca Somalia iyo Jen. Yousef Huneiti?

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa kulan miro dhan ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas Yousef Huneiti iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee dhanka difaaca.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Jordan (JAF) waxaa la guddoonsiiyay shahaado-sharaf ciidan oo dhameystiran, waxaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka Jordan.

Wasiirka iyo taliye Huneiti ayaa ka wada hadlay iskaashiga milateri ee u dhexeeya ciidamada labada dal , iyagoo hoosta ka wada xarriiqay in Jordan iyo Soomaaliya ay leeyihiin dan guud oo lagu xoojinayo ammaanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dalkiisa uu sanado badan wajahayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, taas oo caqabad ku ah amniga iyo xasilloonida.

Jaamac ayaa taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti la wadaagay in Soomaaliya ay baahi degdeg ah u qabto in ay ka faa’ideysato khibradda Ciidamadooda ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta awooda ciidanka xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Cabdiwali Colaad Gaatamow oo caawa lagu dilay degmada Afgooye

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo Gudoomiyey Shirka Golaha wasiirada Koonfur Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo Xildhibaannada Aqalka Sare kahor aqriay Hindide Sharciyeed uu rabo in la meel mariyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---