Wararkii Ugu Dambeeyay xarigii loo geestay wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada maamulkaasi saacado kooban xabsi ku hayeen wasiirkii hore ee wasaaradda Difaaca Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa hotel uu magaalada Baydhabo ka degnaa kala baxay wasiir hore C/rashiid C/llaahi Maxamed oo saakay gaaray magaalada Baydhabo.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa su’aalo weediyay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo saacado kooban hayeen, waxaana ciidamada la sheegay in markii dambe sii daayeen wasiirka dibna ugu celiyeen hotelkii uu degnaa.

Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya ayaa hada u sharaxan Kursiga tirsigiisu yahay Hop197 ee doorashadiisa ka dhaceyso Baydhabo, waxa uuna halkaasi u tagay C/rashiid sidii u heli lahaa kursiga beeshiisa.

Masuulkan la xiray lana sii daayay ayaa qaraabo dhaw la ah Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxa uu sidoo kale wasiirkii hore ee wasaaradda difaaca Soomaaliya kamid yahay mucaaradka sida weyn uga soo horjeeda Madaxweyne Laftagareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -