Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/llaahi Maxamed Warfaa oo laga gudoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo (Sawirro)

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika H.E Moussa Faki ayaa xafiiskiisa Addis Ababa ku soo dhoweeyey Danjiraha Soomaaliya ee Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika ee Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya.

Sidoo kale Mudane Faki ayaa Safiir Warfaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Danjire Warfaa, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Midowga Afrika kaalinta wax ku oolka ah ee uu markasta ka qaato dawlad dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale Safiir Warfaa wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Dawladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Danjire Warfaa ayaa waxaa kulanka ku weheliyay qaar kamid ah Diblomaasiyiinta Safaaadda Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Gudoomiyay kulan looga hadlay arin muhiim ah (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Somaliland oo shaacisay Al Shabaab iyo koox kale kula dagaalamayaan Laascaanood

Cabdi Cade

Ciidamo ka tirsan Kumandoska Danab oo tababar loo soo xiray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---