Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo qaatay go’aan ka farxiyey Maraykanka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ogolaaday in la xiro mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn dalkiisa ee lagu sameeyo tijaabinta iyo howlgalinta gantaallada riddada dheer, sida uu sheegay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in.

Ka dib markii ay ku kulmeen magaalada Pyongyang, labada hogaamiye “ayaa isku af gartay in la hirgaliyo barnaamijka burburinta hubka nuclear-ka,” waxaana sidaas xaqiijiyay Mr Moon.

Heshiiskaas ayuu Mr Kim isagana ku qeexay “tallaabo horay loo qaaday” oo ku aadan sidii nabad dhinaca milatariga ah looga abuuri lahaa gacanka Kuuriya.

Madaxweyne Kim ayaa sheegay inuu rajeynayo booqasho uu ku tago magaalada Seoul haddii ay sidaas dhacdana wuxuu noqon doonaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee ka socda Waqooyiga Kuuriya oo booqda caasimadda Kuuriyada Koonfureed.

Mareykanka ayaa sheegaya in uu diyaar u yahay in si deg deg ah uu dib ugu billaabo wada xaajoodyada uu la lahaa dalka Kuuriyada Waqooyi maadaama hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-Un uu sameeyay ballan qaadyo intii lagu guda jiray kulankii u dhaxeeyay labada Kuuriya ee arbacadii lagu soo gaba gabeeyay Pyongyang.

Xogyahaya arrimaha dibadda, Mike Pompeo, ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in meesha lagu gaaro janaayo sanadka 2021-ka la baabi’iyo hubka niyuukleerka ee Kuuriyada Woqooyi.

Pompeo ayaa soo dhaweeyay casumaadda Kim Jun-Un uu ku casumay khubarada caalamiga ahi in ay kormeeraan burburinta xarunta tijaabada gantaalada ee Kuuriyada Woqooyi.

Waxa uu sidoo kale ammaanay ballan qaadka Kim ee ah in uu albaabada isugu dhufanayo oo uu xirayo xarunta weyn ee farsamada niyuklerka, inkastoo hogaamiyahani Kuuriyada woqooyi uu sheegay in tallaabadaasi uu qaadayo oo kaliya haddii Mareykanka uu qaado tallaabooyin uu uga soo baxayo dalabka Kuuriyada woqooyi.

Madaxweyne Trump ayaa durbaba soo dhaweeyay ballan qadyadani waxa uuna ku tilmaamay kuwo dhanka horumarka loo qaaday .

Xoghayihiisa arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa sheegaya in Mareykanku uu diyaar u yahay in wada xaajoog ay la billaabaan Kuuriyada woqooyiga, iyaga oo laga duulayo arrimahani.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -