Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo sameeyay howlgal ay ku baacsanayaan Al Shabaab (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa deegaanno dhowr ah oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, ka sameeyay howlgalo balaaran oo ay ku baacsanayaan dagaalamayaal katirsan Al Shabaab .

Howlgalkan ayaa si gaar ah ciidanka xoogga dalka uga sameeyeen deegaannada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo, waxaana deegaannadan la shegay in ay joogeen xubno katirsanaa Al Shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in howlgalka ciidamada sameeyeen intii uu socday lagu soo qab qabtay dad lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin dagaalyahannada Al Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheesan xilliyada qaar ka sameeya deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, deegaannadaasi ayaa lagu arkaa xubno katirsan Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday bartamaha Magaalada Rome

Caydiid Ali

DEG DEG: Wasiirkii ugu horeeyey oo iska casilay Golaha wasiirada cusub ee Somalia

Caydiid Ali

Maxkamad ku taalla Somaliland oo 3 bilood ka dib xukun ku riday Bishaaro Baanday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---