Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka labada Aqal oo soo saaray Baaq ka kooban 5- qodob

Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada maamulka Puntland ayaa baaq kasoo saaray xaalada siyaasadeed ee ka dhalatay wax-kabadelka dastuurka Puntland ee ka taagan magaalada Garawe .

Qoraal ay soo saareen xildhibaannadan kasoo jeeda Puntland ayey ugu baaqeen maamulka Madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda in ay ilaaliyaan xasilloonida iyo amniga caasimadda Puntland.

Xildhibaannadan ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo wax-kabedelka lagu sameenayo dastuurka maamulka Puntland, sidoo kale la qabto doorashada Puntland xilligeeda, iyadoo waliba loo qabanayo sidoo soo jireenka ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Safaarada Somalia ee Ankara soo celineyso dhaawacyadii Ex-Control?

Caydiid Ali

Milateriga Israel oo gudaha u galay Gaza iyo dagaal toos ah oo ka socda (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo wafdi qarsoodi ah u diray Iran & Warbixino cusub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---