Jugta Qaraxyo waaweyn ayaa galabta xiligii salaada casir ka dib laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho caasimada Somalia.
Qaraxyadan oo dhowr ahaa ayaa cabsi iyo argagax ku abuuray shacabka magaalada Muqdisho oo sanadihii la soo dhaafay ka daalay qaraxyo ay ku baxeen dad badan oo eheladooda ah, qaar kalena ku dhaawacmeen.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyadaas, qaarkood waxay sheegayaan in Ciidamada ATMIS ee ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay qarxiyeen waxyaabo qarxa.
Waxaa sidoo kale jira warar kale oo sheegaya in qaraxyadaas ay ka dhasheen dabrid ay sameynayaan ciidamo ka tirsan DF oo tababar uu uga socdo xeryo ku yaalla duleedka garoonka Aadan cadde.
Qaraxyadan ayaa ku soo aaday xili maalmo ka hor madaafiic hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen xaafado ka tirsan degmada Waaberi, kuwaasoo ay ku naf waayeen illaa shan ruux oo ka koobnaa Aabe macalin dugsi ahaan jiray iyo afar caruur ah oo uu dhalay, halka hooyadii guriga ay taalo isbitaal xaaladeeda lagula tacaalayo.