Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn xooggan oo lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo culus ku garaacay goobo lagu tuhmayay in ay joogaan dagaalamayaal katirsan Al Shabaab , waxaana duqeyntan ka dhalatay khasaaro badan oo dhimasho sida Mareykanka sheegeen.

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymo xalay ka fuliyeen deegaanno duleedka ka ah degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose, halkaas ay tilmaameen in ay ku sugnaayeen xubno katirsan  Al Shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta Al Shabaab la beegsadeen kaga dileen 10-dagaalyahan, waxa ayna Mareykanka sheegeen in xoggo ay heleen muujinayaan  in aysan khasaaro kasoo gaarin duqeynta dad rayid ah.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan oo aheyd is difaacid fuliyeen, kaddib codsi uga yimid ciidanka xoogag dalka , waxa ayna sheegeen in ay sii wadi doonaan qimaynta natiijada hawlgalkan, isla markaana bixin doonana faahfaahin dheeraad ah xilliga ku habboon.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo badan la beegsaday saraakiil iyo dagaalyahanno katirsan Al Shabaab, duqeymaha oo bilihii lasoo dhaafay hakad galay ayaa mar kale dib u bilaabeen ciidamada Mareykanka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhalinyaro Soomaali ah oo loo xiray dil loo geystay Haweeney Canades ah

Caydiid Ali

RW Abiy Ahmed oo ka hadlay guusha ciidamadiisu ka gaareen qabashada Makelle

Caydiid Ali

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Somalia & Qadar? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---