Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Imaaraadka oo Deeq kale oo raashin ah maanta soo gaarsiisay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay diyaarado waday deeq raashin ah oo ka timid dowlada Imaaraadka Carabta, kuwaa oo loogu tala galay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameesay.

Wasiirka Gargaarka iyo Mareeynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta deeqdan raashinka ah ee ka timid dowlada Imaaraadka ku guddoontay gudaha garoonka Aadan Cadde.

Deeqdan raashinka ah oo dowlada Imaaraadka Carabta ugu deeqday Soomaaliya ayaa loogu tala galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee saameynta xoogan xilligan ku yeealatay abaarta ka jirta qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya .

Imaaraadka Carabta oo dib usoo celiyay xiriirkii kala dhaxeeyya Soomaaliya ayaa diyaarado siday deeq raashin ah usoo diray Soomaaliya, waxaana deeqahan imaanayaan xili Ra’isul Wasaare Rooble dalkaasi raali gelin siiyay kana codsaday mucaawino.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddi uu dhowaan Magaacabay Rooble oo qabtay shaqadiisii ugu horeysay

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo raali gelin buuxda ka bixiyey xad gudub lagu eedeeyey

Caydiid Ali

RW Xamsa: In aan ku kulanno degmada Heliwaa waxay cadeyn u tahay..”(Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---