Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo ka hadlay masiibadii xalay ka dhacday Magaalada Jigjiga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay shacab iyo xukuumadba la dareen yihiin shacabka dawlad-deegaanka Soomaalida masiibada dabkii ka kacay Suuqa magaalada Jigjiga.

Muuse Biixi ayaa sheegay inuu isla saakaba Khadka Telefoonka kula hadlay madaxweynaha ismaamulka Dawlad-deegaanka, Mudane Mustage Muxumed Cumar, isagoo u caddeeyey inay ka xukuumad ahaan masiibada dabka Jigjiga wax kasta oo karaankooda ah kaga qayb-qaadan doonaan oo aanay jirin wax ay ka hagranayaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay inuu u diray magaalada Jigjiga guddi ka kooban wasiirrada wasaarada Warfaafinta, Qorshaynta iyo Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda.

Sidoo kale, waxaana magaalada Jigjiga xalay gaaray duqa magaalada Hargeysa oo hogaaminaya gaadiid iyo shaqaale dab demis oo ka qeyb qaatay deminta dabkii weynaa ee xalay ka kacay Jigjiga oo geystay khasaare malaayiin Dollar gaaraya.

Muuse Biixi ayaa hadalkanka sheegay munaasabad lagu dhigayey dhismaha suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa oo sanad ka hor ku gubtay dab weyn oo khasaare xoogan geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray Shirka uu ku baaqay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al Shabaab oo hadda socda

Cabdi Cade

Sheekh Kenyawi oo raali galin ka bixiyay hadal ay dhibsadeen Haween badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---