Guddoomiyaha Yaaqshiid oo faahfaahin ka bixiyey weerarkii xalay lagu dhaawacay

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Suleymaan Fargax ayaa ka faahfaahin ka bixiyey iska horimaad xalay ka dhacay Isgoyska Siinaay ee degmada Warta Nabada kaasoo dhexmaray ilaaladiisa iyo ciidamo ku sugnaa bar kontrol oo halkaas ku taalla.

Waxaa ku dhintay iska horimaadkaas ku dhowaad 10 qof oo shacab u badan halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo uu ku jiray gudoomiyaha degmada Yaaqshiid, ilaa haddana faahfaahin lagama bixin sababta ka dambeysay iska horimaadkan oo ahaa kii ugu xumaa ee muddo sanado ah ka dhaca magaalada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay maanta in dhamaan xabsi lagu guray ciidamadii ku sugnaa Kotrolka Siinaay ee ku lug lahaa iska horimaadkan oo hub culus la isku adeegsaday.

Qoraal dheer uu soo dhigay gudoomiyaha barta uu ku leeyahay facebook ayuu ku faahfaahiyey sida ay wax u dhaceen  kaasoo ku bilowday sidatan hoose:-

Alxamdulilaah Calaa Kuli Xaal

Waxaan xalay ka badbaaday isku day dil oo la doonaayey in la igu qaarajiyo.

Xalay Maqribkii kadib ayaan ka soo baxay isbitaalka Jasiira oo aan ku booqanay ciyaariyahan Degmada Yaaqshiid kamid ah oo ku dhaawacmay ciyaartii shalay galab ka dhacday Muqdisho Stadium (Isbartiibo), waxaan soo aadnay dhanka Siinaay, waxaana istaagnay kontaroolka isgoyska Siinaay si na loo hubiyo.

Waxaa noo yimid  oo albaabka gaariga laga furay askari koontaroolka joogay oo hubiyay kaarkeyga iyo inaan aniga saaranahay gaariga, intaas kadib askariga ayaa nagu dhahay taliyaha Nisa ee kontaroolka ayan u sheegaahe ii suga, wax yar markuu naga maqan yahay askariga, ayaan dareewalkeyga ku dhahay sxb bal u tag ragga, dareewalka ayaana baxay iyadoo uu albaabka gaariga furanyahay wuxuuna u tagay taliyaha iyo ciidankiisa oo xoogaa inoo jiray markuu soo laabtay balse uusan na soo gaarin ayaan halmar maqalnay jug culus iyo firir dhiig naga wada dhigay, xabado iyo qoriga dhashiikaha oo si darandoori ah u dhacaya, yar shirka saarnaay ayaa degdeg irida u xiray waxaana muddo nagu socday saban iyo dhashiike darandoori ah, hal mar ayey i suurtogashay inaan albaabka dambe furo si aan xaalka u qiimeeyo halkii marna xabado kale ayaa noo soo galay gudaha balse dhowr mar oo aan isku dayey inan gaariga ka dago waxaa i celiyay saxibadey oo iga dhaawac cuslaa, Alle ka sakow iyagaa ku mahadsan.

Intaas kadib Ciidamada kontaroolka waxey si bareer ah u toogteen laba askarteyda kamid ah oo is dhiibay intii ay xabadu nagu socotay. Waxey isku dayeen iney daaqada gaarigeyga xoog ku furaan si ay noo waxyeeleeyaan. Waxeyna afarta dhinac u ridaayeen qoriga sabanka (RPG) oo markii dambe sababay gubashashada gaadiid shacab oo marayey dhanka kale ee isgoyska siinaay (Yaaqshiid & Warta Nabada).

Dadkii ku geeriyooday weerarkaas gardarada ah waxey ku jiraan filinjiyeer mana la aasi doono ilaa iyo inta ay cadaalada ka helayaan.

Waxaan ehalka asxaabta iyo dhamaan dadka somaliyeed uga tacsiyeynayaa dhimashada iyo dhaawac ka dhashay weerarkii arxan darada ahaa oo ay igu bartilmaameedsadeen ciidamo fadhiyay isgoyska Siinaay, anaga oo taagan kontaroolka una hogaansannay nidaamka hubinta amniga.

Waxaan u duceynayaa oo aan caafimaad taam ah u rajeynayaa dhamaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shirqoolka ahaa iyo saaxiibadii ila dhaawacmay. Sidoo kale Allah u naxariisto wiilasha iga shahiiday & shacabkii sida dulmiga ah loo xasuuqay.

Allaa Mahad leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -