Allbanaadir.com
NEWS

(Akhriso) Somaliland oo War ka soo saartay dagaalka saaka dib uga qarxay Laascaanood

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa-02-27-2023()- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u taagan tahay nabad, horumar iyo in ay wadamada jaarkeeda kula noolaato nabad, xasilooni iyo walaalnimo.

Haddaba Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka  ee jooga jiidda hore ku sugan ee  Gobolka Sool.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka  Puntland-Soomaaliya.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay  isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika.

Cabdiqani Maxamuud Caateeye
Wasiirka Gaashaandhiga JSL

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiin la socotay oo lagu soo dhaweeyay magaalada Garawe

Cabdi Cade

Dad ku cibaadeysanayay masaajidka Al-Aqsa oo saakay Weerar lagu qaaday

Cabdi Cade

Wax ka Ogow Mowjadaha siyaasadeed ee ku soo food leh Dowladda Federalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---