Allbanaadir.com
NEWS

Garoon kubadda cagta oo mar qura kutubka Qur’anka si weyn loogu dabaaldegay !

Cayaartoyda, calanwalayaasha, iyo garsoorihii dhexdhexaadinayay kulan labo kooxood oo Ciraaqi ku dhex maray garoon kubadda cagta ah ayaa soo qaatay kutubka Qur’anka kariimka ah si ay uga falceliyaan dhacdadii foosha xumeyd ee Sweden lagu sameeyey taas oo ay ka caroodeen Muslimiinta caalamka oo dhan.

Laacibiinta labada kooxood ee kala ah; Al-Shorta iyo Al-Qasim ayaa kahor furitaanka kulankooda waxay safka lasoo istaageen kutubta Qur’anka iyaga oo dhunkanaya sare-na u dhigaya si ay dunida Galbeedka ugu muujiyaan halka uu ka joogo!

Waxaa intaas kasii yaab badneyd in taageerayaasha labada kooxood ay isku si ugu weyneeyeen kutubka Qur’anka iyaga oo lasoo baxaya markooda, waxayna ku dhawaaqayeen Qur’anka waa nolosheenna waana nagu waajib inaan difaacanno

Si kastaba arrintan ayaa timid kaddib markii dhawwaan nin kasoo jeeda dalka Ciraaq uu kutaabka Qur’aanka Kariimka ku gubay dalka Sweden, galkan ayaana si weyn uga carreesiiyay muslimiinta Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo Saraakiil ka tirsan Qaramada Midobay ku duqeysay Magaalada Rmeish

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar ku qaaday guri uu degnaa Gudoomiye Degmo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalo kutaala dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---