Al Shabaab oo weerar ku qaaday guri uu degnaa Gudoomiye Degmo (Daawo Sawirada)

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday guriga Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof iyo sidoo kale saldhiga booliiska degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqleen rasaas culus ay is dhaafsanayeen ciidamada dowlada iyo dagaalyahanada Al Shabaab ee xalay weerarka kusoo qaaday qeybo kamid ah degmada Jalalaqsi.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa bartilmaameedsaday gurigii uu degmada Jalalaqsi ka degnaa Gudoomiye Cagajoof oo la sheegay in xiliga weerarka uu dhacay ka maqnaa gurigiisa.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof ayaa warbaahinta u sheegay in Gurigiisa xiliga la weeraray uu ka maqnaa ayna ku sugnaayeen caruur uu dhalay oo laga soo bad baadiyay qaraxyadaasi miino ee lagu xiray gurigiisa.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ku qaaday degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan halkaas oo fariisimo ku leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti iyo ciidanka dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -