Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalo kutaala dalka Koonfur Afrika

Kooxo burcad hubeesan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa xalay deegaanka Phillipi oo katirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxa ay ku dileen wiil Soomaaliyeed oo dalkaasi kunoolaa.

Sida aan wararka ku helnay Mowliid Xuseen Gacal oo ahaa wiil dhallinyaro ah ayaa la dilay xilli uu watay gaari uu adeeg ugu siday dukaan uu lahaa, waxaana rasaas ku furay kooxo burcad ah oon la aqoonsan.

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika oo soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan burcadii hubeesneed ee dilka fuliyay, kuwaa oo goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqotay meel si weyn loogu beegsado looguna dilo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsata, waxaana siyaabo kala duwan dalkaasi sannadihii lasoo dhaafay loogu dilay kumanaan Soomaali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -