Waqtigii loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo Doorashada Kuraasta Garbaharaey oo fashil ku yimid

Waxaa maanta oo talaado ah ku eg mudo labo isbuuc ah oo guddiga doorashada heer dowlad goboleed Jubbaland ku shaaciyeen in lagu qabanayo doorashada kuraasta loo asteeyay in lagu qabto magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa qoraal ay soo saareen 15-ka bishan ku shaaciyay in mudo labo isbuuc ah lagu soo dhameestiri doono xildhibaanada gollaha shacabka ee deegaan doorashadooda tahay Jubbaland gaar ahaan kuraasta taala Garbahaarey.

Fashilka ku yimid waqtiga guddiga doorashada Jubbaland u qabteen in doorashada lagu soo gabagabeeyo ayaa imaaneysa xili aan wali heshiis laga gaarin xilliga la qabanayo doorashada kuraasta taala Garbahaarey iyo waliba halka lagu qabanayo.

Maamulka Jubbaland ayaa ka biyo diidan in doorashada xildhibaanada dhiman lagu qabto magaalada Garbahaarey uu ka jiro maamul aan iyagu hoos tagin, waxa ayna Jubbaland dooneysa in meel ka baxsan Garbahaarey doorashada ka dhacdo.

Kuraasta taala magaalada Garbahaarey ayaa ah kuwa u badan kuraas ay leeyihiin beesha Mareexaan, waxaana kuraastan si gaar ah ugu xisaabtamaya Madaxweyne Farmaajo oo dagaal iyo dadaal badan u galay sidii Garbahaarey doorashada kuraastan uga dhici laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -