Allbanaadir.com
NEWS

Dal kuyaalla Yurub oo mamnuucaya in in fasallada lagu dhex isticmaalo telefoonnada

Telfoonnada casriga ah ayaa saameyn badan ku yeeshay waxbarashada ardayda caalamka, waxaana qaar badan oo kamid ah ardayda ku mashquulaan telfoonkooda iyaga oo dhax jooga fasallada casharada lagu qaadanayo.

Macalimiinta iskuulada dhiga ayaana dhibaato badan kala kulma ardayda mashquulsan, waxaana waddamada qaar macalimiinta iyo maamulada iskuuladda si iskood ah u mamnuuceen in fasallada lala galo telfoonnada.

Dowladda Holland ayaa hadda wada qorshe ay ku dooneyso in sannadka dambe lagu hirgaliyo sharci adag oo mamnuucaya in ardayda dalkaasi gudaha fasallada ku isticmmaalaan moobeelada.

Wasiirka waxbarashada dalka Holland Robbert Dijkgraaf ayaa sheegay in telfoonnada aan loogu talogelin in lagu isticnmaalo gudaha fasallada, waxa uuna sheegay in telfoonnada saameyn badan ku yeeshay ardayda joogta iskuullada.

Waxbarashada arday badan ayaa saameyn toos ah iyo mid togan ku yeelatay isticmaalka telfoonnada xilliga ay joogaan fasallada, waxaana ardaydaasi ku adkaata fahamka casharadii baxay marka ay iskuulka kasoo baxaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo Hargeysa kula kulmay Per Lindgarde (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Soomaali ah oo dil argagax leh ka geystay Magaalo ku taalla Jarmalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Xog: Xasan Shiikh oo helay taageero dhaqaale & Farmaajo oo ka walaacsan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---