Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada amaanka oo dilal ka geestay Muqdisho iyo Faahfaahino laga helay

Ciidamo katirsan kuwa amaanka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir , ayaa lagu soo waramayaa in xalay xaafada Ciise Cabdi ee deegaanka Gubta, ku dileen labo nin oo dhallinyaro ah, halka ay dhaawac u geesteen gabar kale .

Sida aan wararka ku helnay ciidamada oo waday howlgal amni xaqiijin ah , ayaa rasaas ku furay mooto ay saarnayaeen labo wiil oo shacab ah, kuwaa oo la xaqiijiyay in ay u geeriyoodeen rasaasta la huwiyay, halka uu dhaawac soo gaaray gabar.

Maamulka degmada Dayniile iyo laamaha amaanka , ayaan wali ka hadlin dilkan xalay ciidamada amaanka u geesteen dadka shacabka ah, waxaana meydadka labada qof ee la dilay la geeyay xarunta dambi baarista CID-da oo baaritaano ku sameysay sida uu dilku u dhacay.

Amaanka degmada Dayniile, ayaa maalmihi lasoo dhaafay ahaa mid ay cabasho badan ka qabeen dadka shacabka ah, waxaana hadda ugu sii darsantay in ciidankii amniga iyagana si micnodarro ah u dilayaan dadka shacabka ay aheyd in amnigooda ilaaliyaan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Televishinka Al-Jazeera oo baahiyey in maydka Jamaal Khaashoqji lagu gubay foorrno ku dhextaala guriga qunsulka !! (Daawo Vedio)

admin

Christopher Miller oo maanta Booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Raisul Wasaare Rooble oo si qurux badan loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Cabdi Cade
Taboola Ads ---