Al-Shabaab oo laga soo furtay haweeney reer Galbeed ah oo in muddo ah u afduubneyd

Howlgal ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa lagu soo furtay Silvia Constanca Romano, oo ah haweeney samafalka ka shaqeysa, oo u dhalatay dalka Talyaaniga taasoo  bishii November ee sanadkii 2018 laga soo afduubtay dalka Kenya, laguna haystay Soomaaliya.

Waxay Silvia gacanta u gashay kooxda Al-Shabaab oo kasoo qafaalatay degaanka Chakama County ee dalka Kenya sanadkii 2018, iyadoo ka howlgeli jirtay xarun samafal oo halkaas ku taalla.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa u mahad-celiyey sirdoonka dalka Talyaaniga oo ka shaqeeyey howlgalka lagu soo furtay Silvia, iyagoo kaashanaya sirdoonka dalalka Turkiga iyo Somalia sida uu qoray Wargeyska La Repubblica ee dalka Talyaaniga ka soo baxa

Howlgalka lagu soo furtay Silvia ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel aan magaceeda la sheegin oo 30-km u jirta magaalada Muqdisho, faahfaahina lagama bixin sida uu dhacay iyo haddii uu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay,

Haweeneydan oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu caafimaadkeedu fiican yahay, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda loo duuliyo dalkeedii hooyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -