Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Somalia oo baaq u diray Madaxda Dowlada iyo Mucaaradka 

Madaxweynihii hore  ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee hada dalku ku sugan yahay, waxa uuna baaq muhiim ah u diray Madaxda dowlada hogaamisa iyo Mucaaradka dowlada.

Waxa uu sheegay in Muhiim tahay Madaxda dowlada iyo Mucaaradka intaba in ay kawada shaqeeyaan sidii cadaalad loo heli lahaa loogana shaqeyn lahaa Horumarka dalka, si looga gudbo dhibaatada dalka uu kusoo jiray sanado badan.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in hada dalka uu marayo meel fiican loona baahan yahay in horey loo socdo, waxa uuna ka digay bur bur iyo dib u dhac xiligan dalka ku yimaada.

”Dowlad walba ayaa mucaarad leh, waxa uuna dowlada uga imaan karaa Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta, waxaa la rabaa mucaaradku in uu noqdo kuwa xaq ku taagan oo wax fiican ka hadla ” Ayuu yiri Madaxweynihii hore Soomaaliya.

Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa ugu baaqaday Madaxda dowlada Federaalka in ay la tashtaan shacabkooda, waxa uuna dhanka kale shacabka kula taliyay iyana in ay xurmeeyaan Madaxdooda iyo dowladooda.

” Qolyaha xiligan dowlada mucaaradka ku ah waxaana ugu baaqayaa in ay noqdaan mucaarad wadao sax ah ku socda oo wax dhisaya balse aysan noqon mucaarad wax duminaya” Ayuu yiri C/qaasim Salaad.

Hadalka Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili dowlada mucaarad kala kulmeyso Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin horey dal xilal uga soo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Dil kasoo geestay magaalada Laascaanood oo lagu qabtay Muqdisho

Cabdi Cade

Maxaa xilka looga qaaday Taliyihii ugu awooda badnaa Muqdisho Saadaq Joon ?

Cabdi Cade

Puntland oo shaacisay in wax taageero dhaqaale ah aysan ka helin beesha Caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---