Nin Dil kasoo geestay magaalada Laascaanood oo lagu qabtay Muqdisho

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen nin dil kasoo geestay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kuna dhuumaaleesanayay magaalada Muqdisho.

Taliye ku xiggeenka Hoggaanka Baarista Dambiyada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada booliiska Muqdisho ku qabteen nin dil kasoo geestay magaalada Laascaanood.

Nin booliiska qabteen ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdi Jaamac, waxa uuna Laascaanood kusoo dilay  Marxuum Sharmaarke Maxamed Cabdi Shire,ninkan ayaana baxsad kusoo galay magaalada Muqdisho.

““Waxaan ku guuleysanay in lasoo qabto Gacan ku dhiiglihii isaggoo ku dhuumaaleysanayo Muqdisho,  Waa laga gudbay Xilligii Dambiile intuu dambe ka galo Gobolada iyo degmooyinka dalka uu meel kale ku dhuunto,” Ayuu yiri Gen. Bishaar Abshir Geeddi.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa kusoo baxsan jiray rag dilal kasoo geesta gobolada dalka , waxaana inta badan yareyd in gacan ku dhiigalayaasha la dabagalo lana soo qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -