Allbanaadir.com
NEWS

Weerar gaari lagu jiirsiyey dad Israaliyiin ah oo ka dhacay Tel Aviv (Sawirro)

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhaawacantay oo saddex ka mid ah dhaawacoodu u culus yahay kadib markii gaario la jiirsiiyay iyo toori lagu weeraray magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.

Qofka Weerarka qaaday ayaa ka degay gaariga isagoo isku dayay inuu tooriyeeyo dad rayid ah sida ay boolisku sheegeen

Booliiska Israa’iil oo warfidiyeenada kula hadlayay goobta uu weerarku ka dhacay ee Tel Aviv waxay ku tilmaameen weerar argagaxiso.

“Shaqsi ayaa gaarigiisa ku jiirsiiyay dad shacab ah oo ku sugnaa goob ay dad shacab ah ku sugnaayeen, waxaana u suurtagashay inuu dhaawaco 8 qof oo shacab ah, wuxuuna ka degay gaarigiisa, wuxuuna bilaabay inuu isku dayo inuu tooriyeeyo dadkii ka ag dhawaa” ayuu yiri Afhayeen u hadlay booliska.

Waxaa uu sheegay in markii dambe la toogtay oo la dilay qofka weerarka fuliyey.

“Nasiib wanaag waxaa jiray qof rayid ah oo hubeysan, wuxuuna ku guuleystay inuu ka takhaluso argagixisada.”

Falkan ayaa ku soo aaday xili ciidamada Israel ay weerar ku qaadeen degaanka Jenin halkaasoo lagu dilay 10 qof oo Falastiini ah uu ka mid yahay wiil dhallinyaro ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 120 qof ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​20 ruux oo dhaawacyo halis ah ay soo gaareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Masuuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii G/Banaadir oo geeriyooday

Caydiid Ali

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug oo ka socda Guriceel

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo 8 Caqabadood kala kulmi doona Is dhiibista C/Rashiid Janan.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---