Axmed Madoobe oo 8 Caqabadood kala kulmi doona Is dhiibista C/Rashiid Janan.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa isbedel muuqda laga dareemayaa Siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan tan u dhexeysa Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Isbedelka Siyaasada labada dhan ayaa waxaa kala furfuray  Wasiirkii Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaan “Cabdirashiid Janan” kaasoo heshiis ku dhisan Isfahan la galay DFS.

Heshiiska DFS iyo Cabdirashiid Janan, ayaa dhabarjab weyn ku ah maamulka Jubbaland, taasoo ka dhigan in Hoggaamiyaha maamulka ninka lagu magacaabo Axmed Madoobe ay lasoo daristay cabsi.

Axmed Madoobe, Ayaan qudhiisa ku faraxsaneen tallaabada uu horay u qaaday Cabdirashiid Janan, inkastoo waayihii danbe uu labada mas’uul ka dhexeeyay khilaaf salka ku hayay qaabka loo waajahayo wadahadalada maamulka kala dhexeeya DFS, hase yeeshee Janan oo garwaaqsaday in Axmed Madoobe uu halis galinaayo dalka ayaa ugu danbeyntii heshiis la galay DFS.

Wadamada shisheeye ee sida weyn uga carooday go’aan qaadashada Cabdirashiid Janan, ayaa waxaa kamid ah dowlada Kenya oo awood dhaqaale la garabtaagan maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe iyo Dowlada Kenya oo aad uga walaacsan tallaabada uu qaaday Cabdirashiid Janan, ayaa sidoo kale la filayaa inay xulan doonaan shaqsiga u bedeli doona Wasiir Janan.

Haddaba Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa 8 Caqabadood kala kulmi doona Is dhiibista C/Rashiid Janan, waxa ayna kala yihiin:-

1-Tuhun iyo kala shaki soo foodsaara Axmed Madoobe iyo Shaqsiyaadka ka hoos shaqeeya ee xilalka u haya.

2-Hoos-u-dhac ku imaada mooraalka ciidamada maamulka, iyadoo 75% ay suuragal tahay in ciidamada maamulka ay u goostan dhanka DFS.

3-Heshiiska DFS iyo Janan waxa uu Axmed Madoobe ku khasbayaa in xilalka laga xayuubiyo dhammaan Saraakiisha ciidamada ee xiriirka la lahaa Janan, taasoo jahwareer u horseedi doonta Jubbaland.

4-Jubbaland waxa ay martigalin doonta khalalaaso amni daro oo ay geestan ciidamada.

5-Waxaa Meesha ka bixi doonta rajadii aheyd in Gobolka Gedo ay ku laabato gacanta Axmed Madoobe, taasoo albaabo khalalaaso ku furi doonto Mr Madoobe.

6-Waxaa hoos-u-dhac ballaaran ku imaan doona  kalsoonida ay dowlada Kenya ku qabto Axmed Madoobe iyo maamulkiisa.

7- Axmed Madoobe, waxa uu wajihi doona cabsi weyn oo dhanka ciidamada ilaalada u ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Kismaayo laga dareemayo “Kala shaki iyo qeybsanaan ciidanka ah”.

8-Saan-saanta siyaasadeed waxa ay u muuqataa in Hoggaamiye Axmed ay naftu ku aamini doonto in madaxtooyada Jubbaland uu u raro magaalada Nairobi, halkaasoo saldhig u noqon doonta.

Casharka ay DFS u dhigtay Axmed Madoobe iyo dhinacyada taabacsan, ayaa tusaale u noqonkara hardan siyaasadeedka u dhexeeya labada dhinac, taasoo biya dhaceeda ay noqon karto mid aan lamahadin.

Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe oo lagu xagliyo garab istaaga Kenya ayaa iminka la daala-dhacaaya culeysyo siyaasadeed, waxa uuna noqonayaa mid kulansaday “Eedeymo dowladeed, mid shacab iyo tuhuno kale oo isbiirsaday”.

W/Q.  Anwar Bakhiit

Fallanqeeye A/Siyaasada/Bulshada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -