Dil argagax leh oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Dil naxdin leh ayaa maanta ka dhacay Xaafada Sarkuusta ee duleedka Magaalada Muqdisho, kadib markii ay nin uu Guri ku xirtay kadibna uu Mindi ku jarjaray xaaskiisa

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Calas Geelle Salaad ayaa la sheegay in xaaska uu dilka kula kacay ay u dhashay Afar Carruur ah.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Ninka dilka geystay uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan oo hore u bogsooday, balse mar kale xanuunsaday maalmihii u danbeeyay.

Qoyska musiibada ku dhacday ayaa ka mid ahaa barakacayaasha, waxaana xaaska la dilay magaceeda lagu sheegay Hidaayo.

Jirkeeda oo si xun loo jarjaray ayaa markii dambe guriga lagu jebiyay sida dadka degaanku sheegeen.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray Hoyga uu falka ka dhacay, waxaana la soo qabtay ninka dilay xaaskiisa oo lagu xiray xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale nin qurbaha ka yimid uu xaaskiisa oo uu 11 maalin qabay ku gowracay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaaqshiid kaasoo isna xabsiga ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -