Xildhibaano ku shiray Dhuusamareeb oo xilkii ka qaaday Max’ed Xaashi Carabey (Daawo Sawirro)

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo kulan ku yeeshay saaka magaaladda Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug ayaa kalsoonidda kala laabtay Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Xildhibaanadan tiradooda lagu sheegay 140 ayaa u codeeyey in xilka laga qaado, waxaa diiday hal Xildhibaan halka uu Xildhibaan kale ka aamusay sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee ay magacaabeen xubnaha ku sugan Dhuusamareeb ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan Sayid Cali Xaashi Nuur, halka Guddoomiye ku-xigeena loo doortay Canab Maxamed Cosoble.

Shalay ayey ayey aheyd markii Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Cadaado ay sheegeen iney xilka ka qaadeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Kala qeybsanaanta xooggan ee ka dhex jirta maamulka Galmudug ayaa sababtay iney dhexdooda xil ka qaadis isku sameeyaan madaxda iskhilaafsan ee Maamulkaas.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya xili shalay Wasaaradda arrimaha gudaha Somalia ay ugu baaqday madaxda dowlad gobaleedka Galmudug inay soo afjaraan isafgaran waaga ka soo cusboonaaday dhexdooda ayna dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -