Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Rag loo heysto dil & dembiyo kale oo la horkeenay Maxkamada ciidamada

Maamulka Maxkamada darajada 1aad ee ciidanka Qalabka sida qeybta 27aad ayaa bilowday dhageysiga dacwad loo heystay 10 eedeysane oo lagu soo qabtay falal kala duwan.

Maxkamadda ayaa la horkeenay eedeysane dable ah Kamaal C/lle Maxamed iyo eedeysane dable Axmed Cali Qanyare, kuwaas oo lagu eedeeyay dilka marxuum Cabdi Rashiid Maxamed Cabdi Mahadalla.

Maxkamadda darajada 1-aad ayaa sidoo kale la horkeenay dambiilayaal ka tirsan ciidanka iyo kuwa kale oo isaga tagay ciidanka.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad Gaashaanle Maxamed Amiin C/lle  Aadan ayaa soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadahaasi,waxaana  maxkamadda laga sugayaa go’aanka kama dambeysta ah ee la xiriira raggan.

Related posts

War-Murtiyeed ka soo baxay kulankii Madaxweyne Farmaajo & dhigiisa Ugandha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Banaanka hore ee Dekadda Muqdisho

Cabdi Cade

(War cusub) Jen. Xijaar oo dalbaday in dib loo dhigo doorashada gudoonka Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---