Farmaajo: “Soomaaliya maanta ma joogto xilli la is riixriixo, la is colaadiyo, lana qeybsamo”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka, ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka war-bixiyey guulaha la taaban karo ee laga xaqiijiyey dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ay u difaacayaan Dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka.”

Farmaajo ayaa soo dhoweeyey War murtiyeedkii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaran oo uu sheegay inuu xal u noqonayo tabashooyinkii laga qabay doorashada ka socota dalka, isagoo dhinaca xusay ineysan marnaba aqbali doonin in lagu takri falo hantida danta guud xaalad kasta oo lagu jiro.

Madaxweynaha ayaa ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka  oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka.

“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed midnimada iyo wadajirku oo fure u ah jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxa uuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.

“Soomaaliya maanta ma joogto xilli la is riixriixo, la is colaadiyo, lana kala qeybsamo, dhammaanteen waxaa masuuliyad naga saaran tahay inaan dhawrno sharafta iyo dowladnimada dalkeenna”ayuu intaa ku daray Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -