Amniga Muqdisho oo noqday qodobka maalintii labaad looga doodayo Baarlamanka Somalia

Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maalintii labaad kulan ku yeelanaya xaruntooda Magaalada Muqdisho iyagoo ka doodaya qodob ku saabsan amniga Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka Baarlamanka maanta oo Isniin ah, isla markaana ajandaha kulanka uu yahay in la sii ambaqaado dooda ku saabsan amniga Muqdisho.

Inta badan xildhibaano shalay ka qeyb qaatay dooda ayaa heyadaha amaanka xukuumada ku dhaliilay sugida amaanka caasimada oo ay sheegeen iney ka gaabiyeen.

Wasiir ku-xigeenka amniga xukuumada Somalia ayaa ku tilmaamay dooda xildhibanada mid siyaasadeysan oo aan meesha qaban, wuxuuna xusay in howlaha wasaaradiisa la dhaliilo karo balse loo baahan yahay in dhinaca kalena la eego howsha baaxada leh ee ay hayaan ciidamada amaanku.

Kulanka ayaa waxaa u soo beegmayaa Xili mudooyinkii ugu dambeeyay uu sii xumnaanayey amaanka Magaalada Muqdisho ka dib markii ay ku soo bateen dilal iyo qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday xarumaha degmooyinka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -