Madaxweynaha Koonfur Kuuriya oo si diiran loogu soo dhoweeyey Pyongyang (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa ku sugan magaalada Pyongyang isaga oo ka qaybgalaya shir ay ujeedadiisu tahay sidii loo dardar galin lahaa wadahadalladii hubka nukliyeerka ah looga ciribtirayay gacanka Kuuriya ee u dhaxeeyay Kuuriyada Waqooyi iyo Maraykanka.

Madaxweyne Moon ayaa kaalin wayn oo dhexdhexaadin ka ciyaaray wadahadalkii tariikhiga ahaa ee Singapore ku dhexmaray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Washington ayaa ku hawlan in gacanka Kuuriya laga dhigo meel ka madax bannaan hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, balse Pyongyang ayaa marka hore doonaysa in si rasmi ah loogu dhawaaqo in la soo afjaray dagaalkii labada Kuuriya dhex maray 1950yadii.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa la filayaa in uu labo jeer la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, inta uu booqashadaas ku joogo Pyongyang. Moon waxaa safarkiisa ku weheliya shirkadaha waawayn ee Kuuriyada Waqooyi oo ay ka mid yihiin Hyundai and Samsung.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -