Ciidamada Booliiska oo Muqdisho ku qabtay rag afduub iyo dhac geestay (Sawirro)

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir , gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Dayniile ayaa xalay gacanta ku dhigay afar nin oo lagu eedeeyay in ay afduub u geesteen muwaadin Soomaaliyeed.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in raggan lasoo qabtay ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah ayna u gudbin doonaan hay’addaha caddaaladda si loo maxkamadeeyo .

Dhinaca kale ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Kaxda ayaa xalay gacanta kusoo dhigay labo nin oo hubeesan, kuwaa oo iyana lagu eedeeyay in ay dhac u geesanayeen dad shacab ah.

Burcadan ayaa booliiska qabteen xilli ay ku guda jireen dhac, waxa ayna booliiska sheegeen in raggan hadda ku jiraan gacanta ciidamada loona gudbin doono hay’adaha garsoorka.

Ciidamada booliiska iyo kuwa xasilinta ee ka howlgala Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, waxa ayna ciidamada soo qabtaan burcada hubeesan iyo dadka klae ee geesta falal dambiyeedyada kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -