Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Raisul Wasaare khayre iyo danjire Aaden Xasan Aaden?

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Amb. Aden Xasan Aden.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Danjire Aden Xasan Aden ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya  ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen Soomaaliya oo ay uga qayb qaateen dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka.

Danjire Aden Xasan Aden ayaa sheegay in shacabka iyo dawladda Djibouti ay waajib ku tahay is garab taagga iyo taageerada shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa waxaa ka dhexeeya xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Malaayiin Lacag ah oo lagu qoray Erey Khalad ah iyo Go’aan laga soo saaray

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Magaalada Ankara kula kulmay Mr. Hayretin Gungo & Madax kale (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dhismaha Dekadda magaalada Baraawe oo maanta la dhagax dhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade