Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Putin oo si weyn uga falceliyay falkii lagu gubay Kutaabka Qur’aanka

Qaar kamid ah madaxda iyo dowladaha caalamka ayaa si adag u cambaareeyay ugana fal-celiyay, ficilkii nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq ugu gubay kutaabka Qur’aanka Kariimka gudaha dalka Sweden.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa si kulul u cambaareeyay falkii lagu gubay kutaabka Qur’aanka Kariimka, waxa uuna falkaasi ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah diimaha, isagoona ku baaqay in la ixtiraamo kutaabka Qur’aanka.

Putin ayaa sheegay in uu ixtiraam u hayo diinta Islaamka , waxa uuna dhowr mar uu ku celceliyay in Qur’aanka oo la ixtiraami waayo ay dembi ka tahay dakiisa, marka loo eego waddamada kale ee caalamka.

Dowladda Sweden ayaa marar badan oggolaatay in dalkeeda lagu gubo kutaabka Qur’aanka Kariimka, waxa ayna booliiska dalkaasi ilaalo ka hayeen raggii ku kacay falalkii lagu gubay kutaabka Qur’aanka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Deg Deg Ah: Kulankii Baarlamaanka oo saakay la baajinayo iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Xildhibaanada dalka ka maqan oo loogu baaqay in si deg deg Muqdisho ku yimaadaan

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay dhigiisa dalka Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---