Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

“Liiska 15-ka Xildhibaan ee la xanibay ayaa la igu daray, anigoo ka maqnaa kulankii shalay”

Xildhibaan Cilmi Max’ed Nuur oo ka mid ah xildhibaannada 15-ka ah uu Guddoonka baarlamaanka sheegay in laga mamnuucay shanta fadhi ee soo socota ayaa sheegay in isaga lagu soo daray liiska Xildhibaanada lagu eedeeyey iney fadhiga is hortaageen balse uusan joogin kulanka.

“Waxaan ku baraarugay in baaralamaankii oo lasoo xiray, bannaankaan joogay, warqadda soo baxday waxay sheegeysay inaan ku jiray dadkii is’hortaagay ee kulanku uu ka socon waayay balse anigu kama mid aheyn” ayuu yiri

Warqadda xayiraadda oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa ka qaybgalka fadhiyada looga joojiyay 15-ka xildhibaan.

Xildhibaannadaas ayaa lagu eedeeyay inay hor istaageen fadhigii shalay, hasa yeeshee isla Xildhibaannadaas ayaa guddoonka golaha shacabka waxay ku eedeeyeen inay ajanda qarsoon wateen ayna doonayeen iney meel mariyaan.

 

 

Related posts

Taliye Xijaar oo Arimo Muhiim ah kala hadlay Wendy Stancer (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Canada iyo Mexico oo ka jawaabay tallaabadii uu Trump qaaday

Cabdi Cade

Shir looga hadlay dhaqaalaha iyo dardar gelinta qorshaha deyn cafitna dalka oo Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---