Allbanaadir.com
NEWS

Askar katirsan Milatariga Sudan oo xabsi laga sii daayay loona qeybiyay Lacag

Ciiddanka Gurmadka Degdega ee loo yaqaan RSF waxay maanta sii daayeen maxaabiis dagaal oo ka tirsanaa Ciiddanka milatariga Sudan ee dagaalka kula jura.

Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka ee leeyihiin ciiddanka RSF  ayaa lagu sheegay in la sii daayey 100 maxbuus oo bad-qabta iyo 25 dhaawac ah.

Amarka lagu sii daayey maxaabiistaasi ka tirsan ciiddanka dowladda Sudan waxaa bixiyey taliyaha ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF, Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo oo ku magac dheer Hemetti.

Muuqaalka Video-ga ee ay ciiddanka RSF baahiyeen waxaa kaloo ka muuqday mid ka mid ah ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF oo Lacag u qeybinayo maxaabiistii la sii daayey ee ka tirsan ciiddankii dowladda ee dalka Sudan .

Dhanka kale, Muuqaalka waxaa laga arkayey mid ka mid ah Askarta la sii daayey oo u mahad celinayo ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF iyo qaabkii wanaagsanaa ee ay kula dhaqmeen muddadii loo hayey maxaabiis dagaal.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga jawaabtay hadalkii Berhanu Jula

Cabdi Cade

Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay Hirshabelle & cabsi ka taagan Dhuusamareeb

admin

Somaliland oo Somalia ku eedeysay iney fara gelin ku heyso arimaheeda u gaarka ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---