Xayiraadii laga qaaday Shirkada Al Barakaat oo lasoo dhaweeyay (Daawo Sawirada)

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu dabaal dagayay xariyaraadii ay dhawaan waaxda maaliyadda ee dalka maraykanka ka qaaday shirkadda Al-barakaat ayaa lagu qabtay hoolka xafladaha ee hotel Jazeera ee Magaalada muqdisho.

Xafladan oo ay soo xaadireen masuuliyiin badan oo iskugu jara kuwa dowladda, maamulka shirkaddaha, Ganacasato iyo odayaasha dhaqanka, culimaaudiin iyo qeybaha kale ee Bulshadda ayaa lagu amaanay talaabada uu maraykanka xayiraada uga rogay shirkada Barakaat oo dowlada maraykanka xayiraad saaratay sanadkii 2001-dii kadib markii lagu eedeeyay in taageero siiso ururadda argaixisada.

Jawaahir Baarqab, gudoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Banaadir oo kamida masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeysay sida ay dadka soomaaliyeed shucuurtooda u muujiyeen markii xayiraada la saaray shirkada.

Sheikh Ali Wajiis, oo Kamida culimadda Soomaaliyeed ayaa u rajeyay maamulka shirkadda Al-Barakaat in ay horumar la taaban karo markale gaarsiiyaan umadda soomaaliyeed

Gudoomiyaha Shirkadda Barakaat Sheikh Axmed Ali Jamcaale Ka sheekeeyay Garab istaagii ay u sameeyeen dadka soomaaliyeed kadib goankii ay dowladda maraykanku xayiraada ugu rogtay shirkaddaha Barakaat iyo waxii ka dhashay

Gudoomiyaha ururka Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in asagu uu goobjoog ka ahaa dhamnaan dhacdooyinkii dhacay xiligii shirkadda xayiraad la saaray islamarkaan uu xiligan aad ugu faraxsanyahay in ay dib u helaan xoriyadoodi ganacsi.

 

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -