Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Bilado qaali ah oo la gudoonsiiyay Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki (Daawo Sawirada)

Boqorka Sucuudi Carabiya Salman Bin Cabdulcasiis ayaa bilado qaali ah magaalada Jiddah ku gudoonsiiyay Madaweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Biladan qaaliga ah ay bixisay Boqortooyada Sacuudiga ayey labadan hogaamiye ku muteesteen heshiiskii taariikhi ahaa ay gaareen oo lagu soo afjaray colaadii mudo 20-sano labadaasi dal u dhaxeeyay.

Magaalada Jiddah ayaa la filayaa in lagu saxiixo heshiiska nabada ee Itoobiya iyo Eritrea  , waxaana saxiixa Heshiiskan goob joog ka noqonaya Dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres iyo madax kale.

Sacuudiga ayaa kaalin muuqata ku lahaa soo afjarida colaadii ka dhax aloosneyd dowladaha Itoobiya iyo Eritrea , waxaana heshiiska ;abada wadan gaareen uu npqday mid taariikhi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf xoogan oo ka dhax jira Masuuliyiinta sar sare ee Wasaarada Gargaarka

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo wajahaya hubaal la’aan awooddiisa dowladnimo & Khayre iyo Fahad Yaasiin oo…

admin

Kulan xasaasi ah oo Villa Somalia ku dhexmaray Farmaajo & Guddoonka Golaha Shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---