Khilaaf xoogan oo ka dhax jira Masuuliyiinta sar sare ee Wasaarada Gargaarka

Waxaa soo banaan baxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Masuuliyiinta ugu sareysa Wasaarada gargaarka iyo musiibooyinka Xukuumada Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Wasaarada iyo kuxigeenkeeda.

Khilaafkan ayaa waxaa soo banaan bixiyay warqad ay qoreen xubno sheegay in sifo sharci daro ah wasaarada looga eryay , waxa ayna xubnahan ku eedeeyeen Wasiirka Wasaarada Khadiijo Maxamed Diiriye in shaqada ka erisay kuna bedeshay xubno kale.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada gargaarka iyo musoobooyinka Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay jiraan shaqaale laga eryay Wasaarada ayna soo gaartay cabashadooda.

Waxa uu ugu baaqay Wasiirka kuxigeenka Wasaarada shaqaalaha shaqada laga joojiyay in ay sii wataan shaqadooda inta ay ka helayaan cadaalad ,waxa uuna xusay in cabashada shaqaalahan uu gaarsiiyay madaxda sare.

Hadalka Wasiir kuxigeenka ayaa imaanaya xili Agaasimayasaha Wasaarada ay beeniyeen jiritaanka cabashada shaqaalaha, waxa ayna arintan muujineysaa in khilaaf ka dhax jiro Madaxda sare ee Wasaarada gargaarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -