Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Degmada Balcad oo xalay Al Shabaab la wareegeen

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay dhowr jaho ka weeraray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana dagaal halkaasi ka dhacay ugu suurto gashay Al Shabaab in ay la wareegeen.

Ciidamada dowlada ee ku sugnaa degmada Balcad ayaa firxaday markii Al Shabaab soo galeen, waxaana dagaalyanahada Al Shabaab la wareegeen qeybo badan oo kamid ah degmadaasi ay ku jiraan saldhiga booliiska iyo xarumo kale.

Al Shabaab ayaa mudo ka badan shan saacadood maamuleysay degmada Balcad, waxa ayna xabsiga kasii daayeen maxaabiis badan oo ku xirnaa xabsiga Balcad iyo sidoo kale saldhiga booliiska.

Wararkii ugu dambeeyay oon ka helnay Degmada Balcad ayaa sheegaya in Al Shabaab xalay xili dambe dib uga baxeen degmada Balcad, waxaana saakay degmadaasi dib ugu laabtay ciidankii dowlada ee laga saaray.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarka Al Shabaab xalay ku qaadeen degmada Balcad , xaalada ayaana saakay ah mid dagan , shacanka ayaana  iska warsanaya waxii xalay dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -