Aqalka Sare oo wafdi dhexdhexaadin ah u diray dowlad goboleedkii ugu horeeyey

Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa saaka ka ambabaxay Magaaladda Muqdisho.

Wafdigan ayaa ku wajahan Dowlad Goboleedka Puntland, Ujeedka Safarka ayaana ah xog ururrin dhab ah iyo xal waara sidii loo heli lahaa.

Golaha Aqalka Sare oo shalay isugu yimid shir aanan caadi ahayn kana dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa ansixiyay go’aankii Guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta isla markaasna xal loogu heli lahaa xaaladda hadda taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -