Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu yahay Ololaha cusub ee Madaale ka daah-furay Muqdisho?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray ololaha bilic soo celinta iyo Nadaafada Caasimadda.

Waxaa munaasabadaas si wadajir ah uga qeyb galay maamulka Gobolka Banaadir, Howl wadeenada Dowladda Hoose ee Xamar Shirkadda Nadaafada ifi iyo Maamulada Degmooyinka.

Daahfurkan ololahan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, maamulada degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaale ayaa sheegay in howlahani nadaafadeed uu qeyb ka yahay u diyaar garowga Munaasabadaha isa saaran ee Maalmaha Xorriyadda iyo Ciidul Adxa oo todobaadkan ku wada beegan, isagoo shacabka codsaday iney ka qeyb qaataan ololahan.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili jidadka magaalada Muqdisho intooda badanm suuqyo iyo xaafado ay yaalaan dhiiqo madow iyo qashin fara badan oo aysan jirin cid xil iska saarta nadaafadooda, iyadoo maamulka gobolka lagu dhaliilayo inuusan wax badan ka qaban nadaafada baahsan.

 

Related posts

Safaarada Somalia ee Kenya oo Xuska 26-ka June ku qabatay Xaafada Islii (Sawirro)

admin

Mustaf Dhuxulow oo Qado Sagootin ah u sameeyay Kooxda Banaadir Clup (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Aqoonyahano ka soo jeeda Beesha Murusade oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---